U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Axmed Shire “Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsantahay Kaalintii Aad Ka Qaadatay Dhiirigelinta Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Qoor-Qoor iyo madaxda kale ee Galmudug kaalinta ay ka qaateen dhiirigelinta macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Galmudug ee kaalinta labaad ka gala tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo sanadkii sadexaad ka dhacayn magaalada Muqdisho.

“Mudane Madaxweyne ciyaartooydan waa kuwii  wacdaraha ka dhigay Magaalada Muqdisho,waxaan rabaa in aan hortaada ugu mahadceliyo qof kasta ee reer Galmudug ah kaalinta uu ka geystay guushii taariikhiga aheyd markii ugu horeesay aan ka gaarnay ciyaaraha kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobobolka Banaadir” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mduane Xasan Axmed Shire.

Dhinaca kale Guddoomiye Xasan Shire ayaa sheegay la’aanta madaxda Galmudug in aysan soo gaari la heyn kaalinta labaad ee tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay in gacanta lagu haayo ciyaartooyda tayada wanaagsan ee wacdaraha ka dhigay magaalada Muqdisho.

“Mudane Madaxweyne adiga iyo Dowladaada waxaan idinka sugaynaa in aad kaalin fiican ka qaadataan  wajiga xiga ee diyaar garowka kooxda kubbadda cagta Galmudug,si aan sanadaha soo aadan u tiigsano hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mduane Xasan Axmed Shire

Daawo Khudbadii Guddoomiye Shire Ee Madaxweyne Qoor-Qoor

Sidoo Kale Aqriso Warar Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xasan-shire-dowladda-iyo-ganacstada-reer-galmudug-waa-in-ay-bixiyaan-mushaaraadka-kooxda-galmudug/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle