U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax “Xiriirka Kubadcag Yaraha Soomaaliya Wuxuu Gaarayaa Guulo Waaweyn Sanadaha Soo Socda”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Cabdi Goodax ayaa u mahadceliyay madaxda iyo shaqsiyaadkii aas aasay 24 koox ee Minifootboolka, isagoo aas aaska kooxahaas ku tilmaamay halka uu u socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbolka sanadaha soo socda.


Lix sanno oo shaqo adag iyo d’daal dheeraad ah, waxaan ku faraxsanahay aas aaska kooxaha Kubadcag yaraha dalka, runtii waan amaanayaa milkiilayaasha iyo shaqsiyaadkii hergeliyay howshan taariikhda wanaagsan” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax.


Dhinaca Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax wuxuu u mahadceliyay ciyaartooydii Soomaaliya kaga qeybgashay tartankii Qaarada Afrika ee ku qabsoomay magaaalada Abidan ee Nigeria, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guusha ugu weyn ay gaareen sanadkii kowaad ee doorashadooda ka dib.


“Waxay aheyd taariikh cajiib ah ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay muujiyeen Wadaniyad iyo ciyaar wanaag” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Goodax.


Xasan Cabdi Goodax oo shantii sanno la soo dhaafay ka mid ahaa maxda Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya ayaa balanqaaday in ay diyaar u yihiin ka mira-dhalinta balanqaadkii ay ku galeyn doorashadii ay ku guulasyteyn bishii September 2020 ee ka dhacady Magaalada Muqdisho.


“Waxaan diyaar u nahay is badal iyo horomar, yoolkeenu waa in Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya uu ka duwnaadaa Xiriirada kale ee ka dhisan dalka, sidoo kalane guulo waaweyn uu ka soo hooyaa dhacdooyinka Minifootboolka Caalamka” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mudane Xasan Cabdi Goodax.


Ugu danbeyntii Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ciyaaraha dhalinyarada kaga mahadceliyay kaalinta wanaagsan ay ka qaateen dhiirigelinta iyo garab-istaaga ay ka qaataa horomarinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbooka.


“Lashaqeynta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda iyo dhiirigelinta bahda isboortiga waxay kor u qaaday in Xiriirka Minifootboolka uu ka dhaq-dhaaq bato Xiriirada kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Guddoomiye Ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Goodax.

Daawo Warbxin Soo Koobaysa Guddoomiye Goodax

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/daauud-shire-maxamed-waa-muhiim-dhiirigelinta-shirkaddaha-ganacsiga-ee-horomarinta-xiriirka-kubadcag-yaraha-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle