U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Shire ““Dowladda Iyo Ganacstada Reer Galmudug Waa In Ay Bixiyaan Mushaaraadka Kooxda Galmudug”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee Galmudug kaalinta ay ka qaateen garab istaaga iyo dhiirigelinta kooxda kubbadda cagta Galmudug ee booska labaad ka gashay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo sanadkii sadexaad ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Qof kasta oo ka soo jeed Galmudug,wuxuu ku qanacsanahay heerka aan maanta ka taaganahay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan inoo balan in aan dhiirigelino ciyaartooyda,si ay u tiigsadaan hanashada koobka Maamul Goboleedyada Dalka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire.

“Waxaan madaxeena ugu mahadcelinaynaa garab istaaga ay noo muujiyeen,welina waxaan ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida kooxda Galmudug” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xasan Axmed Shire

“Dowladda Iyo Ganacstada Reer Galmudug, waa in ay bixiyaan mushaarka iyo horomarinta kooxda Galmudug” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire.

Daawo Guddoomiye Shire Oo U Mahadceliyay Kooxda Galmudug

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-cabdullahi-xersi-balanqaadkii-turkiga-ee-ciyaartooyda-galmudug-waa-diyaar/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle