U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Wiish “Guul Ayaan U Rajaynaaa Koooxaha Degmooyinka Ee Ka Qeybgalaya Tartanka Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garooween qabsoomida tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2021.


“Si wanaagsan ayaan ugu diyaar garownay tartanka kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2021, waxaan guul u rajaynaynaa ciyaartooyda iyo macallimiinta ee ka qeybagalaysa sanadkan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow WIish.


Dhinaca kale Guddoomiye Xasan Wiish wuxuu bogaadiyay da’daalka wanaagsan ee madaxda isboortiga Degmooyinka, isagoo shaqada ay hayaan ku tilmaamay guulaha uu maamulkiisa ciyaaraha Gobolka Banaadir ka gaaray sanadihii la soo dhaafay.


“Guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka Banaadir , waxay nala qabteen shaqooyin adag oo aan la soo koobi karin, balse waxaan diyaar u nahay in aan caawino hoggaanka ciyaaraha degmooyinka” ayuu hadalkiiisa soo raaciyay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish.


Sanad kasta ayay caasimada Magaalada Muqdisho marti-gelisaa Ciyaaraha kubbadda cagta degmooyinka Gobolka, waxaana sanad kasta ka soo baxa ciyaartooy tayo wanaagsan oo ka soo muuqata kooxaha kubbadda cagta iyo Xulala kala duwan ee Qaranak Soomaaliya.


“Guulaha aan ka gaarnay qabsoomida tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir sanadihii la soo dhaafay waxaa ka mid ah guulaha ay ciyaartooyda ay u soo hooyeen Xulka Qaranka Soomaaliya”. ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish.


Ugu danbeyntii Guddoomiye Xasan Wiish wuxuu bulshada caasimada Magaalada Muqdisho ku dhiirigeliyay in ay garab ku siiyaan nabadgeliyada iyo dhiirigelinta kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta degmooyinka 2021.

Daawo Guddoomiye Wiish Oo U Mahadceliyay SOMTEL

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/gudoomiye-wiish-way-mahadsanyihiin-valencia-iyo-villareal/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle