U bood dhigaalka

Guddoomiye Xasan Yabarow Wiish “Waan U Hambalyaynaa Daadir Amiin Iyo Axmed Tahliil”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mduane Xasan Aadan Xaajo Yabarow Wiish ayaa bogaadiyay da’daalka iyo waxqabadka guulaha ku dhisan ay sanadkii la soo dhaafay sameeyeen macallimiinta kala ah Daadir Amiin Cali iyo Axmed Tahliil oo ka mid ah dhalinyarada horomarka ka samaysay xirfada macallinimo,isagoo sheegay in arintan ay guul u tahay isboortiga dalka.

Axmed Tahliil Iyo Daadir Amiin ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2020 waxa ay markii ugu horeesay soo gaareen fiinalaha tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,iyagoo kala hogaaminaya kooxaha Galmudug iyo Gobolka Banaadir,inkastoo koobka ay hanteyn xidigaha Gobolka Banaadir uu hogaaminayay laacibkii hore Xulka Qaranka iyo naadiga Dowladda Hoose tababare Daadir Amiin.

“Waan bogaadinayaa horomarka ay sameeyeen labada Macallin,waxaan u rajayanayaa guul iyo horomar,runtii waa saaxiibo qiimo badan horomarka iyo guusha ay ka gaareen xirfadan waxa ay horomar u tahay dalkeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan GUDD.Wiish

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/gudoomiye-wiish-way-mahadsanyihiin-valencia-iyo-villareal/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle