U bood dhigaalka

Guddoomiyihii Degmada Shibis oo Xilka Laga Qaaday Xabsigana Loo Taxaabay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali  sabab la xiriirta eedeeyn musuq-maasul.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran  xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira  wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi  ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey  lacag sharci darro ah,

Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa  xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama  aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir oo xaq u lahaa in la ogeeysiiyo haddii lacag laga qaadaayo dadka dagan degmada.

Goobjoog News