U bood dhigaalka

Guddoomiyihii Guddiga Doorashada P/Land Oo Iscasilay

Sheeko:Dalka

Axmed Kismaayo oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland ayaa maanta bartiisa facebook-ga ku shaaciyay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee uu ka hayay maamulkaasi Puntlkand.

Waxa uu sheegay in maanta uu u gudbiyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas warqadda iscasilaadda islamarkaana uu ka aqbalay maadxweynuhu  iscasilaaddiisa.

Guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka Puntland ayaa laga sugayay inuu isku diyaariyo howlaha doorasho ee maamulkaasi oo doorashada xigta madaxweyne Cabdiweli Gaas inuu ka shaqeeyo.

Waxa uu tilmaamay in aynaan jirin cid ku qasabtay inuu shaqada ka tego hase yeeshee uu isaga go’aansaday.

axmed-kismaayo

Axmed Kismaayo ayaa guddoomiyenimada uu maanta iska calisaya waxaa u doortay sagaalka xubnood ee guddiga doorashada madaxabannaan ee Puntland Apr 25, 2016 kadib doorasho ka dhacday Garoowe.

Goobjoog News