U bood dhigaalka

Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Bari “Dowladda Hasoo Farageliso Waxa Ka Jira Puntland”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii hore ee gobalka Bari ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay soo faragaliso khilaafka ka dhex jira isaga iyo maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in hadda Puntland ay ka jirto marxalad adag, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu wado arrin lagu dhibaateynayo shacabka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ciidamada Puntland ayaa laga dareemayaa qeybo kamid ah gobalka Bari.

Labada dhinac ayaa ku dagaallamay shalay degaanka Barookhle oo dhanka bari kaga beegan degmada Carmo, dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Wuxuu sheegay Cabdisamad Gallan in madaxweynaha Puntland uu masuul ka yahay dhibka ka taagan gobalka Bari iyo meelo kale oo Puntland ka tirsan, isagoo ku eedeeyay in hadda ka hor ciidamo maamulka ka tirsan ay ku weerareen gurigiisa uu ka deganaa magaalada Boosaaso, wuxuuna tilmaamay in dowladda federaalka ay soo faragaliso arrintani.

Goobjoog News