U bood dhigaalka

Muxuu Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman Isku casilay

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha hore Naadiga Kubbadda Cagta Elman, Cabdirisaaq Faarax Cumar (Goroje) ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyenimada, kaddib muddo 2 sano ah oo uu xilkaas hayay.

Mudane Goroje oo is casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada London ayaa sheegay in uu ka tagay oo kaliya xilka guddoomiyenimada arrimo isaga u gaar ah, laakin Elman uu markasta qeyb ka yahay horomarkeeda wuxuunta intaa ku daray in uu iminka qeyb ka yahay maamulka sare ee Elman Sports.

“Inta badan nolosheyda waxaan ku soo dhex jiray kubbadda cagta walina waan ku dhex jiraa, waana jeclahay kubbadda cagta. Waana jeclahay naadiga Elman, Waxaan ka tagay oo kaliya xilkii aan ka hayay, laakin waxaan caddeynayaa in aan diyaar u ahaan doono in aan kooxdeyda ku caawiyo wax kasta oo ay iiga baahto mustaqbalka, waxaana kasii mid ahaan doonaa kubbadda cagta Soomaaliya”

“Xilka guddoomiyenimo ee nadiga Elman FC ayaan ka tagay oo keliya sababo la xiriira aniga oo aan u heli karin waqti igu filan oo aan kusii hoggaamiyo, taas ayaana ah sababta is casilaaddeyda. Wali jacayl aad u weyn ayaan u hayaa bahweynta Elman, waxaana mar kasta ku faraxsanahay in aan caawiyo Elman iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya intii karraankeyga ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay .

Intii uu talada hayay waxaa naadiga Elman loo aqoonsaday kooxdii ugu fiicneyd dhanka maamul wanaagga sanadkii 2019, iyadoo guddoomiye Goroje abaal marinta lagu guddonsiiyay xafladii abaal marinnada kubbada cagta Soomaaliya ee dhacday horraantii janaayo ee sanadkan.

Mudane Goroje ayaa ah macallin dhanka gool-heynta ah wuxuuna shahaado heerka 1aad ah ka heystaa FA-ga Ingiriiska. Dalka Soomaaliya ayuu 3 sano ka hor ka hir-geliyayakadeemiyada tababarka gool-hayennimada, si dalkiisa uu wax ugu qabto, waxaana ka faa’iideystay caruur badan oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha is casilay ee naadiga Elman ayaa ah aabaha dhalay Yoonis Faarx oo ka tirsan cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee sameeyay taariikhda aan horay u dhicin kaddib markii ay sanadkii hore Soomaaliya ku hoggaamiyeen in ay badiso cayaar ka tirsan is reeb reebka FIFA World Cup oo Soomaaliya intii ay jirtay aanay waligeed badin.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Guddoomiyihii Is Casilay Ee Cabdirisaaq Garooje

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/581099292527943/