U bood dhigaalka

Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliland oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta Doorashooyinka maamulka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha  Aqalka Sare “Guurtida” ee baarlamaanka Somaliland  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muddo kordhinta doorashada Somaliland ee dhawaan ay ku dhawaaqeeyn si wadajir ah, Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Saddexda xisbi siyaasadee.

Saleebaan oo Maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in mudada la isla gartay ee doorashada lagu kordhiyay ay tahay mid looga bixi karo abaarta, haddii abaartu ay jabi weydana markaa la iska arki doono oo markaa un laga hadli doono waxa la yeelayo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Abaartu hadday jabto doorashada waa la galayaa, wakhtigaa haddii roob fiicani da’o waa laga gaarsiin karaa, haddii abaaru ay jabi weydo hala gaadho, xisbiyadu taley soo jeediyeen, taladoodiina waa la tixgelinayaa”.

25 bishan ayaa shir ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Somaliland Siilaanyo iyo madaxda Saddexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, Waddani, Ucid iyo guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ka soo baxay heshiis dib loogu dhigayo doorashooyinkii maamulka illaa 10.10.2017.

Goobjoog News