U bood dhigaalka

Guddoonka Aqalka Sare Oo Saaka La Dooranayo

Sheeko:War

Waxaa maanta oo Talaada ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoonka Aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo labadiisa ku-xigeen ayaa saacadaha soo socda la filaya in ay ka qabsoonto xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku taratamaya musharixiinta kala ah Cabdi xaashi Cabdillahi oo doonaya in uu markale ku guulaysto kursigaan, Cismaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale isla maanta lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee aqalka sare.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahim

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa isna waxaa u tartamaya mushariinta kala ah Ilyaas Baddal Gaboose, Abdullahi Sheikh Ismacil Fartaag, Cabdullahi Cali Xirsi, Cabdi Cusmaan Xareed, Sareedo Maxamed Xasan, Cabdi wali Maxamed Ibraahim iyo Xasan Xuseen Xaaji.

Waxaa hoolka ay doorashada ka dhaceyo ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada maanta guddoonka aqalka sare.

Goobjoog News