U bood dhigaalka

Guddoonka Aqalka Sare oo Soo Dhoweeyey Go’aanka ay Galmudug iyo Hirshabeelle Ku diideen Muddo Kordhinta Farmaajo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada ahaa Dastuurka Dalkana baal marsanaa.

Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo

Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Mohamed Ahmed  ayaa soo dhawyay go’aanka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle .

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri ‘ Waxaan boggaadinayaa go’aanka ay sida wadajirka ah warsaxaafadeedka ugu soo saareen madaxweyneyaasha labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Hirshabeelle kaas oo ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu hiiliyeen. Waxaan soo dhaweynayaa in labada maamul ay si cad uga horyimaadeen mudo kororsigii sharcidarada ahaa ee loo sameeyey madaxweynaha uu xilkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo in ay ku baaqeen in Heshiishka 17 Sebteember dib loogu laabto, kaas oo ah gogol-dhigga keli ah ee lagu gaari karo qabsoomida doorasho loo wada dhanyahay.”