U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug “Gudoomiye Jawaari Waxa Uu Caqabad Ku Hayaa Wada Hadalka Aan Kula Jirno Ahlu-sunna”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu carqalad ku wado wada hadal u socdo iyaga iyo ahlu-sunnada degmada Dhuusamareeb.

Waxa uu sheegay in caqabad ay u arkaan tagitaanka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana uu doonayo in la fashiliyo wada hadalkii ay kula jireen Ahlu-sunna waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Guddoonkii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu tagay degmadA Dhuusamareeb halkaasi oo ay ka socotay maalmihii ugu dambeysay dib u heshiisiin lagu wada hadal siinayo Galmudug iyo Ahlu-sunna waliba heshiiskooda meel wanaagsan uu marayo, waxaana la’is lahaa mar dhaw waxaa kasoo baxaya nabadeyn guud oo goballada Galmudug dhammaantood shacabkooda, dowladooda iyo Ahlu-sunna ay gacmaha is qabsan doonaan, hadda waxaa soo baxday in guddoonkii baarlamaanka Federaalka tagay Dhuusamareeb  taasi oo aan u aragno inay tahay caqabad iyo fadeexad inay ku tahay dowladda iyadoo la jabiyay Dastuurkii dalka u yaallay kaasi oo qorayay in dib u heshiisiin laga sameeyo goballada oo aan arkeyno inay tahay arrin lagu fogeynayo nabadda dowlad gobaleedka Galmudug iyo  Ahlu-sunna, sidaa darteed waxaan kasoo saarnay bayaan, waxaan u aragnaa in ay tahay kala fogeen dadka dega gobalada Dhexe, oo lagu kala fogeynayo nabadda ka jirta gobalada dhexe taasi oo lagu kala jabinayo baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug inuu kala qeybsamo oo lagu kala qeybiyo arrinkaasi, waxaan is leenahay markii sidaasi loo dhigo waxa uu guddoonka ku tuntay gaar ahaan Jawaari Dastuurkii Federaalka ee ka hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta iyo in la’isku keeno dowlad gobaleedyada iyo in goballo kasta dhisan karaan dowlad gobaleedyo” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay la socodsiinayaan in safarka gudoomiye Jawaari ee Dhuusamareeb caqabadaha ka yimaada iyo nabad darrada uu isaga ka jawaabi doono.

Maanta ayaa degmada Dhuusamareeb waxaa safar aan horay loo sii shaacin ku tagay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Halkan ka akhriso War Saxaafadeedka Galmudug

War Saxaafadeed (1)

Goobjoog News