U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Xildhibaannada Ugu Baaqay Inay Soo Xaadiraan Kalafadhiga Seddexaad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Kalafadhigga 3-aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug oo lagu wado in dhowaan uu ka furmo magaalada Cadaado ayaa waxaa maanta magaaladaasi gaaray wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye xigeenka baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ku soo dhoweeyay xildhibaanno, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Wafdigani oo ka kooban xildhibaanno ayaa waxay gaarayaan illaa soddomeeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kalafadhiga seddexaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa qorshaha uu yahay inuu furmo 25-ka bishaan aynu ku guda jirno oo maalmo qura ay ka harsan yihiin.

Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Galmudug Xareed Cali wuxuu ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka ee maqan inay soo xaadiraan kalafadhiga 3-aad.

Ugu dambeyn, xildhibaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa fasax ku jiray labadii bil ee la soo dhaafay, waxaana kalfadhigooda 3-aad uu ku soo aadayaa waqti muhiim ah oo Xildhibaannada Federaalka ee ka imaanaya degaannada Galmudug Cadaado lagu soo xulayo.

Goobjoog News