U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka oo Idmey in Wadahadal Laga Galo Mooshinka Madaxweynaha (Waraaqo)

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegey in ay tahay markii koowaad oo madaxweyne Soomaaliyeed laga keeno mooshin xilka looga qaadayo, laguna soo eedeeyo tuhumo la xiriira was isdaba-marin, sidaasi darteed in aysan jirin hab-raac laga tixraaci karo xal ka gaarista muranka taagan.

Sidaasi darteed guddoonka waxa uu soo jeediyey in wadahadal laga galo arrinka, iyada oo ay wada hadlayaan xukuumadda oo wakiil buux ka ah madaxweynaha iyo xildhibaanada, kuwaasi oo waxa ay isku raacaan keeni doona baarlamaanka si cod loo galiyo.

Baarlamaanka waxa uu cod galin doonaa in maxkamad loo gudbiyo mooshinka, haddii la meelmariyana waxa uu baarlamaanka maxkamadda sare ka codsan doonaa in ay isu badasho maxkamadda dastuuriga ah, taas oo kadib dhagaysan doonta dacwadda loo heysto madaxweynaha.

Haddaba hoos ka akhriso qoraalada uu guddoonka arrintani ku faahfaahinayo.

505153525455