Guddoonka Baarlamaanka Oo Soo Saaray Habraaca Ansixinta Wax Ka Bedelka Dastuurka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayey Xubnah Baarlamaanka Sabtidii shalay Kalfadhiga 7-aad , kulankiisa 32-aad ayaa Sheegay in la isku raacay In Baalamaanka la hor keeno 15ka bishan February warbixintii wax ka bedelida Dastuurka laga sameeyay oo ay soo diyaariyeen gudiga dastuurka Baarlamaanka iyo guddi madax bannaan ee loo xulay wax ka bedelka Dastuurka.

Waxa uu guddoomiyuhu xusay In dadweynaha la wargelinayo isla markaana la galayo wada tashiyo Baaralamaanka Federaalka iyo Baarlamaan goboleedyada dalka

Sida uu sheegayo Qodobka 133 ee Dastuurka ,faqradiisa 8-aad ” waxayna fareysaa in maamul goboleedyada laga tala geliyo arrimaha ansixinta Dastuurka, sidaa daraadeed waxaan casuumaad u diray dhammaan guddoomiyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka si la iskula meel dhigo qorshaha agtooda lagu aadayo ee wadatashiga Dastuurka”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xamar lagu qabanayo shirweyne lagu soo gaba-gabeynayo wada tashiyada heer qaran , kadibna waqti kooban la siiyo gudiga Dastuurka oo sameynaya isku dhaf warbinxtooda iyo talooyinka maamulada ee wax ka bedelka Dastuurka kadibna waxaa lagu soo celinayaa xubnaha Baarlamaanka oo qodob qodob u kor istaagi doona una ansixin doona.

Goobjoog News

 

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW