U bood dhigaalka

Guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo soo dhoweeyay wada hadalada Puntland

Sheeko:War
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Guddoonka Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay doorkii muuqday ee ay qaateen xildhibaanada barlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Puntland ayaa lagu yiri  war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoon ahaan aad ayaan u soo dhoweyneynaa shaqada muuqata ee ay xildhibaanadu hadiiba u guntadeen xalinta khilaafaadka soo if-baxay tan iyo  bartamihii  bishan August , isla markaana  ay ku abuureen jawi isu  soo dhowaansho ah, kaasoo  loogu gogol xaarayo wada hadal toos ah oo dhex mara xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Sida uu qabo Qodobka 61aad ee dastuurka dalka xildhibaanada Golaha SHacabku waxay u gudanayaan waajibaadkooda sida ay danta Qaranku ku jirto, iyadoo uu waajib gaar ah ka saaran yahay deegaan cod-bixiyeyaasha ay ka soo jeedaan, wuxuu guddoonka Golaha SHacabka ku bogaadinayaa xildhibaanada sida hagar la’aanta ah isaga xilqaamay inuu wada hadal u bilowdo DFS iyo Puntland.

Guddoonka Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu uga mahad celinayaa mas’uuliyiinta dowlad-gobolleedka Puntland sida ay danta Qaranku ku jirto  u soo dhoweeyeen dadaalka xildhibaannada Golaha SHacabka. Sidoo kale  guddoonka Golaha SHacabka waxa uu ku bogaadinayaa xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya sida ay u soo dhoweysay in wada hadal la furo, is fahamna laga gaaro wixii kala fikir duwanaansho ah.

Ugu dambayntii Guddoonka barlamaanka Federaalka  ee Soomaaliya waxa uu si dhow ula soconayaa ka miro dhalinta dadaalka xildhibaanada bilaabeen, wuxuuna ku dhiiri gelinayaa labada dhinac inay si deg deg ah u gudo galaan wada hadalada , isfaham buuxana ka gaaraan wixii is af garan waa ah muddada 30ka maalmood ah gudahood.

—DHAMAAD—