U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare Ee Dalka oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Maxamed Baashe

Sheeko:Amniga

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Marxuum Maxamed oo ahaa aqoonyahan ayaa kaalin weyn ku lahaa keydinta taarikhda Ummadda Soomaaliyeed, Guddomiyaha ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo.

Goobjoog News