U bood dhigaalka

Guddoonka Labada Aqal oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Abwaan Hadraawi

Sheeko:Amniga
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa umadda Soomaaliyeed uga tassiyeeyay geerida ku timid Allah unaxariistee Abwaan MaxamedIbraahim  Warsame Hadraawi oo maanta ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo bahda suugaanta uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.” Ayuu yiri Guddoomiye golaha shacabka Baarlamaanka Jahmuuriyadda federalka Sheekh Aadan (Madoobe).
“Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda Fanka iyo Suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa waxaa uu muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Burco  gobolka Togdheer, halkaas oo ah magaaladii uu miyigeeda ku dhashay sanadkii 1743-kii, Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 79 sano, waxaana lafilayaa in Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyo.
Goobjoog News