U bood dhigaalka

Gudi u taagan xalinta xiisad ka jirta Cabudwaaqo oo ka hadlay halka ay wax u marayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

caabudwaaq-cityGuddiga xalinta xiiisado ka taagan magaalada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi, iyo waxa u qabsoomay.

Afhayeenka guddigani Duraan Cali Fareey ayaa sheegay inay la kulmeen waxgaradka, culumada, haweenka iyo guddiyo kala matalayay labo beelood oo magaalada ku dagaalamay, isaga oo rajo ka muujiyay in ay kasoo baxaan, waxyaabo wax ku ool u ah shacabka Caabudwaaq.

Wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in nabadda ay qaataan beelaha dirirsan isla markaana iminka wax colaad ah oo magaalada ka taagan aysan jirin.

Afhayeenka waxa uu intaas ku daray in ay kulamada nabadda ay meel wanaagsan u marayaan oo goor dhow ay soo afjari doonaan.

Degmada Caabduwaaq ee gobalka Gal-gaduud, waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beelo wada daga halkaasi, waxaana taasi ay xiisag ka dhex abuurtay dadkii magaalada deganaa, balse hadda waxaa socda waan waan lagu doonayo in nabad lagu keeno.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News