U bood dhigaalka

Gudiga difaaca iyo Arimaha dibadda Baarlamaanka Kenya oo soo jeediyay in xiriirka ay u jaraan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Gudiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee baarlamaanka Kenya ayaa soo diyaariyay mooshin ku aadan in xiriirka loo jaro dowladda Soomaaliya, kaa oo la hor geynayo baarlamaanka wadankaasi.

Gudiga ayaa arrintani sabab uga dhigaya go’aankii dowladd Soomaaliya ay Kenya uga geysay dacwad maxkamadda adduunka ee la xiriirta arrinkii badda Soomaaliya.

Gudigani oo uu gudoomiyo xildhibaanka laga soo doorto degmada Tetu Ndung’u Gethenji ayaa waxa uu qabaa in go’aankaasi dowladda Soomaaliya uu ahaa mid dublamaasiyadda aysan ku jirin, islamarkaasina uu ahaa mid arxan daro ah.

Mooshinka oo maanta la hordhigayo baarlamaanka Kenya ayaa waxa uu gudiga ansixiyey bishii lasoo dhaafay wuxuuna kale oo uu soo jeedinayaa in dhamaan la celiyo qaxootiga Soomaalida ee Kenya joogo, gabi ahaana la xiro xerada Dhadhaab.

Waxaa sidoo kale uu mooshinka qabaa in ciidamada Kenya dhamaantood laga soo saaro Soomaaliya si loo muujiyo carada Kenya ka heysa dacwada.

“Haddii aan nahay gudiga waxaan aaminsanahay in aan Soomaaliya wax badan u tarnay, anaga oo ah dowlad saaxiib ah, balse waxa aan ka helney Soomaaliya ma ahan wax u dhigma gacanta aan u fidiney” ayaa laga soo xigtey isaga oo leh mid ka mid ah xildhibaanada mooshinka geeyey sida uu qorey wargeyska Star ee dalka Kenya.

Warbixinta baarlamaanka la horgeynayo waxa ay xuseysaa in haddii Soomaaliya ku guuleysato dacwada badda ee maxkamadda adduunka, in Kenya ay lumin karto 120 kun oo kiilo mitir oo isku wareeg ah, kaliya uu usoo harayo dhul yar oo sedex geesood ah, kaasi oo aanan laga haleeli karin in laga galo badda caalamiga ah, taasina ay Kenya ka dhigeyso dal badda ka go’an.

Inkasta oo gudiga uusan soo jeedinin in Soomaaliya lagu qaado dagaal, hadane waxa uu gudiga dowladda faray in aysan marnaba siideynin dhulka badeedka la’isku heysto, taasina waa mid sii xumeyn karta xiriirka labada dal.

Warbixinta gudiga waxa ay cambaareyneysaa wasaaradda arrimaha dibada ee ay madaxda ka tahay Aamina Maxamed, waxayna ku eedeeyeen in ay shaqadii laga rabay dayacday, waxaa si gaar ah loogu eedeeyey in heshiiskii isfahamka ee hadda ka hor dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya ee badda in aysan wasaaradda xiligii loo baahnaa horgeynin Qaramada Midoobey, taasi oo ay gudiga qabaan in ay wax oga tari lahayd dacwadda maxkamadda adduunka taala.

Haddii Kenya ay wax talaabo ah ka qaado gudaha Soomaaliya iyada oo hawlo nabad ilaalin ah u joogta waxaa taasi ka dhalanaya in Qaramada Midoobey ay Kenya ka mabnuuci doonto hawlaha nabad illaalinta mustaqbalka.

Goobjoog News