U bood dhigaalka

Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobalada Dhexe Oo Iska Fogeeyay Eedeyn Kaga Timid Musharrax Axmed Macalin Fiqi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cadaado
Cadaado

Gudiga Farsamada ee maamul u sameynta gobalada Dhexe gaar ahaan Mudug iyo Gal-gaduud ayaa iska fogeeyay eedeyn dhawaan uga timid dhanka Musharax Axmed Macalin Fiqi oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee maamulkaasi la dhisayo.

Afhayeenka Gudigaan Cumar Cali Rooble oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ugu horeyn aanay jirin wax dhaliil ah oo ay leeyihiin, hadii ay jirtana musharaxa looga baahnaa in wax uu tirsanayo in uu iyaga xiriir kala  lasoo sameeyo.

Waxa uu sheegay sidoo kale in waqti aan fogeyn la qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Cadaado.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhankooda aysan soo gaarin eedeyntaan la sheegay in uu jeediyay Fiqi taas oo ku aadanayd in gudiga uu iska fadhiyo Muddo Shan Bil ah Magaalada Muqdisho, halka maamulada kale Seddax Bil lagu soo dhisay.

Ugu dambeyn Afhayeenka Gudiga Farsamada maamul u sameynta gobalada Dhexe Cumar Cali ayaa sheegay in hadda howlaha dhan ee horyaala gudigaan lasoo gaba gabeeyay wixii hadda la sugaana ay tahay shirkii Cadaado oo laguda galo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News