Gudiga Maamul u Samaynta Gobolada Dhexe oo Sheegey in Aysan Jirin Musharax Ay Ka Qabteen Arji
Gudiga maamul u samaynta gobolada dhexe ayaa beeniyey warar soo baxay oo sheegayay in musharixiinta qaar laga qabtay arjiyada musharaxnimada madaxweyne ee Koonfur Galbeed.
Sheekh Cumar Cali Tarabi oo u hadlay gudiga farsamada ayaa sheegey in aysan jirin cid ay arji ka qabteen, islamarkaasina aanan wali la gaarin xiligii araajida la qaban lahaa.
Dhanka kale waxa uu gudiga sheegey in qabanqaabada meel wanaagsan u marayso, iyaga oo dhawaan u guuri doona magaalada Cadaado oo shirka lagu qabanayo.
Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Gobolada Dhexe ayaa dhawaan dhaliil u jeediyey gudiga, wuxuuna sheegey in gudiga uu jirey mudo 5 bilood ah, islamarkaasina aysan jirin wax ay qabteen oo la taaban karo.
Sheekh Tarabi ayaa sheegey in Fiqi uusan wax xiriir ah la samaynin gudiga, haddii uu lasoo sameeyana ay diyaar u yihiin in ay isla saxaan wixii ka qaldan.
Dhageyso
Goobjoog News
Bdoxwn nyvsmc viagra cialis cialis generic
Fyfukc tmoydp viagra 100mg cialis generic best price
Vuahod apqqkb Buy viagra no prescription when does cialis go generic