U bood dhigaalka

Gudiyada Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo La Dhameystirey

Sheeko:Dalka

Xaliimo YareyWaxaa la magacaabay dhamaan gudiyadii maamul u sameynta Gobolada Dhexe, iyada oo la magacaabay guddoomiyeyaasha gudiyadaasi. Gudiyada ayaa diyaar u ah in ay tagaan madasha shirka lagu qabanayo.

Gudiyada iyo guddoomiyeyaashooda ayaa kala ah sidan soo socota

  1. Guddoomiyaha Gudiga Maamul u sameynta Gobolada Dhexe : Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
  2. Guddoomiyaha Gudiga Dastuur u sameynta maamulka : Cabdinuur Macalin Maxamuud
  3. Guddoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta, Xalinta Khilaafaadka, iyo Xulista Ergada : Sheekh Cumar Maxamuud Mahad
  4. Guddoomiyaha Gudiga Sahay Siinta , Dajinta Ergooyinka iyo Marti Sharafta : Daahir Xasan Guutaale
  5. Guddoomiyaha Gudiga Amniga , Anshaxa iyo Kormeerka : Cuuke Xaaji Cabdiraxmaan
  6. Guddoomiyaha Gudiga Abaabulka iyo Wacyigalinta : Cabdullaahi Cabdi Cabdulle

Dhameystirka gudiyada ayaa imanaya xili qabanqaabada iyo u diyaargaroowga shirka uu marayo heer gabogabo ah, gudiyadana waxaa la filayaa in ay tagaan goobta shirka marka lasoo dhiso xukuumadda cusub, gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha.

Goobjoog News