Gudniinka Fircooniga: Halis Ay Bulshada Qaar u Bareerto

Gudniinka fircooniga ee gabdhaha loo gudo waa mid ka mid ah caadooyinka gurracan ee weli ay ku dhaqmaan dad kala duwan oo ku nool wadamada geeska Afrika qaarkood.

Inkastoo horumarka dhanka Caafimaadka iyo Tiknoolojiyadda ay si fiican u gaartay Wadamadan hadana ururka caafimaadka Adduunka ee WHO, waxa uu ka digayaa in weli Gudniinka Fircooniga si baahsan loo sameeyo.

Gudniinka fircooniga oo ah jaritaan guud oo lagu sameeyo xubinta dareen wadka dumarka ayaa gabdhaha ku keenta dhibaatooyin farabadan maadaama xitaa dadka qaar ay jar-jaraan goobaha ku dhow dhow xubintaas.

Intaas kadib waxaa xiga qodbitaan ama tolliin lagu sameeyo dhamaan meelihii la jar jaray taas oo ka dhiggan in la baabi’iyey shaqadii ay gudan lahayd xubintii dareen wadka dumarka .

Inta badan waxaa dhacda xilliyada caadada marka la gaaro in gabdhaha sidaas loo guday ay xinjiro dhiigga ku istaagaan taas oo keenta xanuun farabadan oo gumaarka ah iyo sidoo kale kelyo xanuun.

Aniso Maxamuud oo ka mida gabdhaha fircooniga u gudan dhibaatooyin badanna kala soo kulantay ayaa tiri “ Gudniinka firconiga dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay aniga waan xanuunsan jiray marka dhiigga caadada uu ii soosocdo mindhiciraha iyo kelyaha ayaa i xanuuni jiray’’

Raadreebka caafimaad daro ee gudniinka fircooniga ka dhasha waxaa kaloo ka mida jeexitaan lagu sameeyo xubinta taranka xiliga dhalmada.

Gabdhaha sidaa loo gudo dhibaatooyinka ugu badan waxay la kulmaan xiliyada gabar nimadeeda, maalmaha guri galkeeda ugu horreysa, iyo marka ay dhalayaan waa Saddexda mar xaladaad oo qatartooda leh sida ay sharaxayso mar kale Aniso Maxamuud .

‘‘Markii la i guursaday waan dhiigbaxay dhalmadii markaan gaarayna waan ku dhibtooday, waa la i jarjaray Todobo beri kor waa u kici waayay dhiig badan ayaa iga baxay cengerigii oo i mud mudaayo dhimasho ayaan ku dhowaaday’’

Inkastoo dhibaatooyinkaas baaxadda leh ay la kulmaan gabdhaha fircooniga loo gudo waxaa ayaan daro ah in ay weli jiraan haween ku dheggan dhaqankaas gabdho badan cuuryaamiyay sida ay aamin santahay Aamina Jeylaani Mocow oo aaminsan in gabdhuhu halaabayaan hadaan sidaa loo gudin.

‘‘Guniinkan waxaan u arkaa dhaqankeenii hore hadaan gabdhaha sidaa loogudina ee sunni laga dhigo 12-jir ama 13-jir markay gaarto ninka waa rabtaa foolxumey ku dhaqaaqaysaa laakiin gudniinkan farac ka farac ayaan ka soo gaarnay gabdhuhuna waa noogu dhowrsanaanayaan’’

Dhanka Maskaxda Gudniinka Fircooniga waxa uu keenaa Dhibaatooyin badan sida walbahaar, cabsi badan, Niyad-jab yacnii Fahanka waxbarashada, cabsi guurka ah oo soo wajahda gabdhaha kale ee fircooniga u gudan balse aan weli la guursan

Drs Luul Maxamed Maxamuud oo ka tirsan dhaqaatiirta caafimaadka kana shaqaysa arrimaha hooyada iyo dhalaanka ayaa sharaxaysa dhibaatooyinka caafimaad ee ay la kulmaan gabdhaha fircooniga loo gudo.

‘‘Dhibaatooyinka waa badan yihiin waxaa kamida dhiigbax sababi kara in loo geeriyoodo qalabka lagu gudo oo jeermis laga qaadi karo iyo cudurada faafa kaadida oo ku xiranta maadaama meelihii dhamaa la wada tolay markay dhaleyso iyo marka la guursadana xaalad kale oo qatara ayey wajahaan’’

In gabadha loo gudo fircooni waxay uu ula mid tahay ninka oo laga jaro xubintiisa taranka sida shareecada islaamku qabtana waa xaaraan gudniinkaas Shiikh Maxamuud Aw-cabdulle Cariif  oo ka maida culimada soomaaliyeed ayaa yiri ‘‘Gudniinkaas fircooniga waa mid ay xaarantinimeysay shareecadeena Islaamka haddii gabadha xubintaas laga jarana diyadeeda ayaa waa jibeysa nabigeena suuban NNKH ayaa haweeney gabadhaha gudi jirtay oo Umu-Cadiya la dhihi jiray u yimid iyadoo gabdho gudi rabta kuna yiri dhiigyar ka keen hana dilaacin fooda kore waxyar ka gooy’’

Inkastoo aan la dabar jarin dhibaatada gudniinka fircooniga hada waxaa jira baraarug badan oo xaga bulshada ah iyo dadaalo ay wadaan culimada iyo hay’adaha qaar oo ay ku doonayaan in lagu tirtiro gudniinkaas gabdhuhu ay dhibaatada kala kulmaan shareecada islaamkuna aysan banayn.

W/D: Maxamed Salaad Cismaan

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW