U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampala

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad
ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada
Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo guddiyo ka tirsan
Baarlamaanka aqoon kororsiyo uga soconayaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya uu hogaaminayo
waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala kusoo dhaweeyey
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay,Xoghayaha
Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) qunsulka
Soomaaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeeddada ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane
Mahad Cabdalla Cawad u yimaadeen Kampala ayaa ah iney kormeer ku sameeyaan
sida ay u socdaan aqoon kororsiyo guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya uga soconaya dalka Uganda kuwaasi oo ay
fududeeyneyso hay’adda AWEPPA, waxaana hada uu tababar u socdaa guddiga
Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xaasaanadda ee Baarlamaanka.

Tababarka xiga waxa uu u bilaaban doonaa 9ka bishan March Guddiga Joogtada
ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo
Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ayadoo kadibna ay jiri doonaan
tababarro kale inta lagu jiro fasaxa Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka
waxaana dhammaan tababarran iyo howlahan ay qeyb ka yihiin fududeynta
shaqooyinka la doonayo in la qabto Kalfadhiga 6aad.

—-DHAMMAAD—-