U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Baydhabo Ku Qaabilay Ergeyga QM Ee Soomaaliya Nicolos Key “SAWIRRO”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen gobolka Baay ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Nicolos Key.

Kulanka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Danjiraha QM ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyagu ah guddiga farsamada maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed waxaana kulanka looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Danjiraha QM ee Soomaaliya oo isagu ah madaxa xafiiska UNSOM Nicolos Key oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib la hadlay saxaafadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu isugu howlay isfahmka iyo heshiisiinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo islamarkaana uu waqti uu ugu huray waxaana uu dhanka kale tilmaamay in QM ay si buuxda u garab taagan tahay natiijooyinka dadaallada socda ee Gudoomiyaha Baarlamaanka hormuudka ka yahay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa uga mahad celiyey QM taageerrada ay ballan qaaday iney la garab taagan yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay in inta uu kulanka socday looga hadlay halka ay marayaan dadaallada maalmihii lasoo dhaafay uu u joogay magaalada Baydhabo oo hada meel wanaagsan maraya.

k1k3