U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Shirka Dib U Heshiisnta Berri Baydhabo Ka Furmaya.

Sheeko:Dalka

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa maalmahan ayaa faah faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo maalinnimada berrito ah ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka gobollada Koonfur Galbeed haduu Alle idmo si rasmi ah ayuu u furmi doonaa maalinnimada berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14ka September-2014,waxaa shirka ka qeybgali doona ergo ka kala socota gobolladan oo hada Baydhabo ku sugan,Ajandaha ugu horeeyana waa in dib u heshiisiin ballaaran,is cafin iyo isku calool fayoobi ay gaaraan guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed”.

Shir weynaha dib u heshiisiinta Shacabka gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah oo ka bilaabineysa maalinnimada berrito ah ayaa wejigiisa Koobaad waxa uu ku saabsan yahay Dib u heshiisiin guud,is cafin, wejiga Labaad ee shirkana waxa uu noqonayaa in la mideeyo aragtiyooyinka kala duwan ee ku saabsan dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga Seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed.

Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed waxaa kasoo qeybgalaya berri hadii uu Alle idmo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale waxaana qabashada shirkan aragti mideysan kusoo dhaweeyey maanta Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.