U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku laabtay xafiiskiisa ka dib markii ay u suurta geli waysay in shirka uu furo

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa dib uga laabtay howlka shirarka ee baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay u suurta geli weysay in uu si toos ah u furo kulanka baarlamaanka.

Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka waxa ay soo qaateen boorar ay ku qoranyihiin hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “QOF AMA QARAN” iyo sidoo kale “BAD BAADI QARANKA” iyo erayo kale.

Sidoo kale Xildhibaanadaan ayaa bilaabay qaadista heesta “SOOMAALIYEEY TOOSOO” iyaga oo fursad u diiday in gudoomiyaha uu shirka furo.

Taasi waxay sabab u noqotay in gudoomiye Jawaari uu dib ugu laabto xafiiskiisa, waxaana sidoo kale gudoomiyaha laga yaabaa in mar kale uu hadana Howlka soo galo.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxay u kala safteen Laba, kuwaa oo kala ah kuwo taageersan Mooshinka Ra’iisul wasaaraha laga keenay iyo kuwo kasoo horjeeda, waxaana hadda arinta laga yaabo in ay dhacdo tahay kulanka oo maalintii Labaad baaqda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News