U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Digay Sii Socoshada Khilaafka Ka Dhex Jira Xisbiga Kulmiye

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka digay khilaafka xilligaan ka dhex taagan xisbiga talada maamulkaasi haya ee Kulmiye, isaga oo sheegay in khilaafkaasi uu sababi karo dib u dhac ku yimaada doorashooyin dhaca.

Waxa uu tilmaamay in ka gudoomiye ahaan uu aad uga xun yahay khilaafka jira, uuna dalbanayo in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

“Khilaafka ka dhex jira xisbiga Kulmiye aad baan uga xunnahay, waxaan leenahay hadii ay sidaan wax kusii socdaan waxaa ka imaan kara dib u dhac doorashooyinka, xisbiyada mucaaradka ahna walwal bay ka qabaan khilaafkaasi” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale Gudoomiye Cirro ayaa wax laga xumaaado ku tilmaamay in maalin qura ay is casilaan in ka badan 10 wasiir oo ka mid Somaliland, taas oo uu sheegay in shacabka qalqal uu ku beeri doono.

Xisbiga talada haya ee maamulka Somaliland waxaa ka dhex taagan khilaaf sababay in aragtida Xisbiga ay Laba noqoto, waxaana dhawaan madaxweyne Siilaanyo uu soo magacaabay guddi wax ka qabta khilaafkaasi.

Goobjoog News