U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in khilaafka Madaxda dowladda lagu xailnayo Dastuurka dalka

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshaha ee xilligaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh lagu xalin doono Dastuurka dalka u yaalo.

Jawaari ayaa sheegay in caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay is dejiyaan, wixii khilaaf ahna waxa uu sheegay in dowladda hay’adaheeda awoodaan inay xaliyaan, walibana dalka gudahiisa lagu xalin doono.

Dhanka kale gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, waxaana uu gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Jawaari ayaa soo xiri doono shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal ah, kuwaa oo maalmahaan ka socday magaalada Baydhaba ee gobalka Bay.

Goobjoog News