U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Kulan La Qaaday Isu Duwayaasha Wasaaradaha Puntland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BoosaasoGudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa kulan magaalada Boosaaso kula qaatay isu duwayaasha wasaaradaha Puntland u qaabilsan gobolka Bari, isaga oo kala hadlay waxqabadka iyo adeegyada wasaaradaha ka fuliyaan magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in shirkani uu yahay in wax la iska weeydiiyo waxyaabihii qabsoomey kadib shir kan ka horeeyey oo hawlo la’isu direy, waxyaabana lagu balamay.

Isu duwayaashii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa isu duwaha wasaarada beeraha, wuxuu sheegey in wasaarada ay qorsheyneyso in ay tabobar u fidiso beeralayda gobolka, la’iskuguna keeno magaalada Boosaao.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sharci dhawaan golaha wakiilada Puntland ay soo saareen oo ku saabsan xaga hilibka iyo kawaanada, wuxuu sheegey in mar hore ay tabobaro siiyeen kawaanleeyda Boosaaso, mid kalana hada qorsheynayaan in ay siiyaan.

“Kawaanada Boosaaso ma ahan kuwa gaarsiisan heerkii loogu talogalay xaga caafimaad qabka, waxaanan dooneynaa in tabobar la siiyo kawaanleeyda, kadibna kormeer lagu bilaabo, iyada oo la kaashanayo wasaaradda caafimaadka” ayuu yiri isu duwaha.

Dhageyso

Goobjoog News