U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobalka Banaadir Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ugala Wareegay Muungaab (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay gudoomiyahii hore ee gobalka Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan waxaa ka qeybgalay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Waxgarad, Gudoomiyeyaasha gobalka Banaadir, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Mr Muungaab oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ka hadal wixii uu qabtay mudadii uu shaqeynayay, isagoona waxyaabaha uu wareejinayay ay ku jirtay sida uu sheegay lacag dhan 200 kun oo doolarka Maraykan ah iyo Labo Bilyan oo shilin Soomaali ah.

Dhinaca kale gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisa uu la imaan doono wax qabad muuqda, isbedallo badan iyo sidoo kale in il gaar ah uu ku hayn doono shacabka dhibban ee ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo isna munaasabadii maanta hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay Muungaab wax qabadka mudadii uu shaqeynayay ayna ka mid tahay dhismaha xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho, sidoo kalena u rajeeyay maamulka cusub waxqabad ballaaran.

IMG_9094 IMG_9090 IMG_9088 IMG_9083 IMG_9081 IMG_9067 IMG_9061

IMG_9047 IMG_9045 IMG_9044 IMG_9043 IMG_9033 IMG_9032 IMG_9028

IMG_9027 IMG_9026 IMG_9025 IMG_9021 IMG_9019 IMG_9018 IMG_9017

IMG_9005 IMG_9006 IMG_9007 IMG_9008 IMG_9009 IMG_9014 IMG_9016

 

IMG_8978 IMG_8992 IMG_8996 IMG_8998 IMG_9000 IMG_9001 IMG_9004

IMG_8964 IMG_8965 IMG_8966 IMG_8967 IMG_8968 IMG_8975 IMG_8976

IMG_8955 IMG_8956 IMG_8957 IMG_8959 IMG_8960 IMG_8961 IMG_8962

IMG_8925 IMG_8934 IMG_8939 IMG_8941 IMG_8943 IMG_8952 IMG_8954

IMG_8912 IMG_8913 IMG_8914 IMG_8917 IMG_8918 IMG_8919 IMG_8923

IMG_8896 IMG_8898 IMG_8899 IMG_8901 IMG_8903 IMG_8904 IMG_8911

IMG_8879 IMG_8881 IMG_8882 IMG_8883 IMG_8892 IMG_8894 IMG_8895

IMG_8871 IMG_8872 IMG_8873 IMG_8874 IMG_8876 IMG_8877 IMG_8878

IMG_8863 IMG_8865 IMG_8866 IMG_8867 IMG_8868 IMG_8869 IMG_8870

IMG_8854 IMG_8855 IMG_8856 IMG_8857 IMG_8858 IMG_8861 IMG_8862

IMG_8846 IMG_8847 IMG_8848 IMG_8850 IMG_8851 IMG_8852 IMG_8853

IMG_8846 IMG_8847 IMG_8848 IMG_8850 IMG_8851 IMG_8852 IMG_8853

IMG_8828 IMG_8840 IMG_8841 IMG_8842 IMG_8843 IMG_8844 IMG_8733 IMG_8737 IMG_8738 IMG_8745 IMG_8746 IMG_8761 IMG_8763

IMG_8720 IMG_8723 IMG_8724 IMG_8725 IMG_8726 IMG_8727 IMG_8732