U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobalka Gedo Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Degmada Doolow

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu qabtey degmada Doolow ee Gobolka Gedo xaflad balaaran oo lagu caleemo saarayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed oo maalinidii darraad uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo Kaliil uu diidey Xil ka qaadistaasi.

Mas,uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Jeneral Cabdulaahi Sh.Ismaaciil(farataag) ,Cabdirashiid Janan,Jeneraal Cabaas Ibraahin Gurey,Col.Cabdulaahi Yare ,Sheekh Alqaadi,Exildhibaan Indha-geelle iyo Madax kale .

Waxaana ka soo qeyb gelin Xaflada dhacdey madax iyo siyaasiyiin ay ka mid yahiin ,Maxamed Cabdi kaliil, Maxamuud Sayid Aden, Xasan Dheerer oo ah Wasiirka Caafimaadka ee Jubaland, Sh.Maxamed Aw-Libaax, Cabdi Bare Cabdi iyo hogaamiyayaal dhaqan oo uu ka mid yahay Ugaas Maxamed Xasan Yarow.

Xasan Sheekh Cilmi(Xasan-Garbahaarey) oo ah G/kuxigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay in Xafladda lagu soo gunaanadey jawi degan, maalinta beri ahna Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland, Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka ay dhamaystiri doonaan xubnaha ka dhiman maamulada Heer Gobol iyo heer degmo.

Gelinkii dambe ee Jimcihii lasoo dhaafay ayuu hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Madoobe ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo in muddo ah xilkaasi soo haayay,inkastoo Maxamed Cabdi kaliil iyo siyaasiyiinta Gobolkuba ay ka soo horjeesteen Magacaabista Axmed Madoobe.
Goobjoog News