U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Deegaanka Ceelcadde Ee Gedo Oo Ku Dhaawacmay Miino Loogu Aasay Gurigiisa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gudoomiyaha deegaankaasi uu ku dhaawacmay Miino la sheegay in gurigiisa loo dhex dhigay.

Miinadaan oo ahayd sida la sheegay mid meelaha Fog fog laga hago ayaa loo dul saaray meel uu si gaar ah gurigiisa uga fariisan jiray Gudoomiyaha Ceelcadde Cabdirashiid Cali.

Dhaawac xooggan ayaa soo gaaray gudoomiyaha, waxaana lagu daweynayaa Isbitaal ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Ciidamada dowladda oo gaaray halka qaraxaan uu ka dhacay ayaa goobta waxay ka sameeyeen howlgal aan dadna lagu qaban, iyadoo xaaladda ay haatan tahay mid deggan.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee middaan oo kale ah kana dhacda gobalka Gedo, xilli qaraxyada inta badan ay ahaayeen kuwo banaanka ka dhaca.

Goobjoog News