U bood dhigaalka

Guddoomiyaha degmada Beledwayne oo sheegay in maamulka gobolka uu fara gelin ku hayo shaqadiisa

Sheeko:War

Maamulka degmada Beledwayne ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay  madaxda maamulkaasi uu ragaadin doonto hab-sami u socodka howsha maamulka.

Guddoomiyaha  Beledwayne Cusmaan KHalafow oo waraysi siiyay Goob Jjoog FM ayaa sheegay in guddoomiayaha maamulka gobolka Cabdifataax Xasan Afrax uu fara gelin ku hayo  howshii maamulka degmada Beledweyne, taasi oo sida uu yiri curyaaminaysa  shaqadiisa.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in arimuhu ku wanaagsanaan lahaayeen  in mas’uul kasta uu  waajibkiisa u guto si wanaagsan , halkii farta la isku fiiqi lahaa.

Is qab-qabsigan uu guddomiyuhu sheegay ayaa ka dhashay dhul la tilmaamay in la siiyay ganacsato ku sugan  Beledweyne, taas oo uu KHalafow  tilmaamay in uu ahaa dhul dan guud.