U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Degmada Buuloburde Oo Ku Hanjabay In La Xirayo Odayaal Ku Shiray Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

buuGudoomiyaha degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in la xirayo Odayaal dhaqameed maanta ku shiray degmadaasi, kuwaa oo gudoomiyaha ku eedeeyay wax qabad la’aan.

Gudoomiyaha oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin warar kasoo baxay Odayaashaan taas oo ku aadan in ay sameysteen gudoomiye KMG ah, sidoo kalena waxa uu meesha ka saaray in wax isdaba marin uu sameeyay.

Waxa uu dhanka kale sheegay gudoomiyaha degmada Buuloburde in aanay jirin Odayaal dhaqameed mideysan oo ka jira degmadaasi, ayna u arkayaan dad la shaqeeya wax uu ugu yeeray Nabad diid.

“Waxa aan ka ognahaya malahan waxa aad sheegayso, Oday waxa uu magacaabi karo malahan, mana jirto Odayaal dhaqameed degmada Buuloburde ka dhisan, hadda ayaana lasoo xirayaa, aniga maxaan is daba mariyaa gar gaar naloo keenay malahan hay’adna ma arkee” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Odayaal dhaqameed kulan ku yeeshay degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan waxa ay sheegeen in dhibaato xoogan ay degmadaasi ka jirto, islamarkaana maamulkii degmada ay ka seexdeen wax u qabashada dadka shacabka ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News