U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne “Jeneraal Cali Gaab Gacanta Ayaan Iskula Tagnay, Shan Xabadna Wuu Igu Riday”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay dhacdo maanta ka dhacday degmadaasi, kadib markii uu sheegay in ay gacanta iskula tageen isaga iyo taliyaha ciidanka Booliiska qeybta gobalka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab)

Gudoomiye Cabdiqaadir ayaa sheegay in saaka Saddex Saac uu degmadaasi tagay Taliye Cali Gaab, islamarkaana hogaaminayay ciidan badan oo howlgal guri ka bixin ah ka waday halkaasi, gaar ahaan dadka ka saarayay wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dadka aanay digniin qabin, islamarkaana markii ay ku baxeen halkaasi oo ay isku dayeen inay weydiiyaan taliyaha sababta arrintaan degmada loogu sheegi waayay aanu kala kulmin hadal wanaagsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Saakay saacaddu markii ay ahayd Saddex saac waxaa degmada Yimid, taliyaha qeybta guud ee Booliiska Jeneraal Cali Gaab oo wakaaladda Filimada dad ka saarayay, degmadii oo aan waxba ka ogeyn gobalkiina waxba ka ogeyn ayuu halkaasi yimid, dadkiina iyada oo aan ogeysiin la siin in si awood ah dadkii alaabtooda loo soo bixiyay, dadkiina ay inoo soo dacwoodeen, annaga markii aan halkaasi tagnay waxaan weydiinay Jeneraalka dadkaan sababta loo bixinayo iyo degmada inaysan waxba ka ogeyn, waxa uu inoogu jawaabay in awood uu ku saarayo, wuxuu na dhahay ciddii aad rabtaan ka dacwooda, intaasi markii uu dhahay waxaan dhahnay annaga dowladnimo ayaa na deeqdo, meeshaan aniga ayaa madaxweynaha wakiil uga ah, shacabkaan hadii meel laga bixinayo waa sharci, laakiinse waa in nidaamka lasoo maraa, hadii digniin la siinyo dadka sharciyan waa degmada, marka howshiisa sidaas ayuu ku fuliyay”

“Aniga markiiba waan iska soo baxay, saldhigga degmada Aniga oo fadhiya ayuu Cali Gaab igu soo weeraray wuxuu i dhahay saldhigga ka bax, waxaan ku iri saldhigaan waa Xamarweyne kabax inaad igu dhahdo xaq uma lihid, waxa uu ii isticmaalay awood, waxaan is dhaafsannay feer iyo dagaal, Shan Xabadood buu igu gamay, ciidankii uu watay qoryaha ayuu ka dhigay, qaarna wuu xirxiray, isagana waxa uu watay ciidanka Xamar jooga qeyb badan oo ka mid ah, wiil askari ah oo aniga ila socday waa dhaawac hadda saldhigga ayuuna ku xiran yahay, aniga hadda wax dhaawac ah oo isoo gaaray malahan marka laga reebo xabadahaasi uu igu tuuray maadaama aan gacanta iskula tagnay uuna halkaasi ku diiday in dowladnimada uu qaato” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Banaadir Jeneraal Cali Gaab oo aan la xariirnay dhowr jeer ayaana inoo suurtagalin waxaanse wadnaa isku dayo aan kula xiriirayno.

Warkaas wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News