U bood dhigaalka

Maamulka G.Banaadir oo dib u howl galinaya Dugsigii 15-ka May

Sheeko:War
DSCF29001
Guddoomiyaha G.Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo dhagax dhigaya dugsiga 15-ka May

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen ”Muungaab Ayaa maalinimadii shalay ahayd dhagax dhigay iskoolka taariikhiga ah ee 15 May,  kaas oo ku yaalla degmada Warta nabadda ee G.Banaadir.

Mashaariicda dhagax dhigga ah iyo Xarig ka jarida Xarumaha loogu adeego danta guud ayuu waday isbuucyadii la soo dhaafay maamulka G.banaadir,  iyadoo horay loo soo dhagax dhigay xarigana looga soo jaray waaxo, MCH-yo, guryo ay dagayaan Madaxda degmooyinka iyo xarumo kale oo ku yaalla degmooyinka qaar,  Sida degmada Shibis,degmada Yaaqshiid. degmada Hodan iyo degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu bulshada Soomaliyeed hore ugu ballan qaaday Bisha Ramaadaan in ay fulinayaan mashaariicyo Badan , taas oo ay ugu dambeysay dhagax dhiggan iskoolka taariikhiga ah ee 15 May,  kaas oo maalgalineyso dowladda Norwey, waxaana loo soo marsiiyey hay’adda NRC oo iyadu sameynaysa dhismaha , kaas oo ay ku baxayso aduun lacageed badan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir in ay is caawiyaan maalmaha Ciidda ee foodda nagu soo haysa , ilaahna waxaan ka baryeynaa ayuu yiri gudoomiyaha gobolka in uu naga aqbalo Soonka