U bood dhigaalka

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi kaliil oo qaadacay shirkii ku soo dhamaaday Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa kasoo horjeestay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in shirkaasi shaqsi ahaan lagu qalday loona sheegay inuu yahay mid wada tashi ah, balse uu is ku bedalay mid siyaasadeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xilligaan gobalka Gedo aanu diyaar u ahayn marti gelinta shirar siyaasadeed oo keeni kara sida uu sheegay dhibaato iyo abuurista xiisado cusub.

Ugu dambeen ayuu u sheegay Goobjoog Fm in marnaba aanay raali ka noqon doonin deegaan ka mid ah gobalka Gedo in lagu qabto shir siyaasadeed wax u dhimi kara nabadda gobalka Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Kaliil.

Goobjoog News