U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Oo Ka Digay Iibsashada Hantida Dadweynaha Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka digay in la iibsado hantida dadweynaha ee magaalada Baladweyne, kadib markii maalmahani dambe ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in la iibsanayo xeradii daraawiishta ee magaaladaasi iyo sidoo kale xarumo shacabka loogu adeegi jiray.

Dabageed ayaa sheegay in maamulkiisa aanu aqbali doonin in la iibsado hantida shacabka, waxaana uu u digay cid walba oo arrintaasi ku howlan.

Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyaha in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo isku dayda inay hantida dadweynaha iibiso ama iibsato.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Hiiraan inay ka fogaadaan cid walba oo doonaysa inay ku qiyaameyso hantida shacabka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Muranno badan baa ka taagnaa xarumo dowladda ay ku lahayd magaalada Baladweyne oo la sheegay in shacab laga iibinayo, taasi oo soo ifbaxday markii Hiiraan uu ka talinayay maamulkii Cabdifitaax Xasan Afrax.

Goobjoog News