U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qarax lala eegtay ka badbaaday

Sheeko:War

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamad Xuseen (Muungaab)ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo loo dhigay Gaarigiisa.

Wax yar ka hor xilliga afurka ee magaalada muqdisho ayaa Gudoomiyaha waxaa Qaraxa lagula Eegtay Xaafada Siisii ee Degmada Yaaqshiid, Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo la tilmaamay inuu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso islamarkaana laga hago meelo fog ayaa waxaa ku dhintay labo Ruux,waxaana ku Dhaawacmay Labo kale oo ahaa Dhamaantood Dad Shacab ah.

Xubno  ka tirsan Maamulka Gobolka Banadir ayaa sheegay in Gudoomiyaha iyo Ciidamadii Ilaalada u aheyd aysan midna wax ka soo gaarin Qaraxii loo dhigay.

Qaraxan ayaa noqonayo kii ugu horeyey ee lala eegto Gudoomiyaha gobolka Banaadir tan markii uu xilka qabtay bilowgii sanadkan.