U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Mareerey: Shan Haween Ah Ayaa La Kufsaday 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah 24-kii Saac ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Sayid Baalle Mayow oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in amniga wadadaasi oo maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayay ay hadda dhibaato ka billaabatay.

“Shan Haween ah ayaa lagu kufsaday Jidka Mareerey iyo Afgooye u dhaxeeya, waxay u dhaxeeyaan Haweenkaan 25 sano jir ilaa 30 sano jir, shacab badan ayaa la jirdilay ka dib markii gaadiidkooda la leexsaday” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiye Mayow ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda wax walba oo halkaasi ka dhaco ka dib markii uu sheegay in hubkii laga dhigay ciidamo deegaan oo halkaasi ka jiray.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, waxaa kusoo badanayay maalmihii ugu dambeeyay falal ka dhan ah amniga, iyadoo inta badan isbaaro loo dhigto gaadiidka dadka shacabka ah wada.

Goobjoog News