U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Dacwadaha Xilligaan Ugu Badan Ee Maxkamada Horyaalla (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay Dacwooyinka ugu badan ee xilligaan horyaala maxkamada iyo sidoo kale waxyaabaha lagu guuleystay in la xaliyo,

Gudoomiyaha Maxkamadan Cilmi Xaashi Nuur oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay jiraan dacwado badan islamarkaana u badan is qab qabsiga dhanka dhulka, isaga oo tilmaamay in maxkamada uu ku yaaraday Kiisaska Kufsiga la xiriira ka dib markii uu sheegay in xukuno adag ay ku ridaan cidda wax kufsata ee cadeyn lagu helo.

Mar wax laga weydiiyay arinta ku aadan in lagu eedeeyo wax isdaba marin ayuu sheegay in warkaasi aanu waxba ka jirin, islamarkaana iyaga ay ka sareeyaan Maxkamado kale oo hadii qofka aanu xukunkaasi ku qanacsaneen uu maxkamadaha ka sareeya aadi karo si uu xukunkaasi racfaan uga qaato.

Waxa uu gudoomiyaha Maxkamada gobalka Banaadir soo hadal qaaday arinta ku aadan cadaaladda iyo sida dadka ay ula dhaqmaan, waxaana uu sheegay in iyaga ay ku dadaalaan in wax walba ay ku xukumaan si cadaalad ah iyaga oo aan dadka kala xigsaneyn.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in xitaa ay jiraan qareenno ay u qabtaan dadka aan awoodin in ay qareen u dooda qabsadaan, xitaa dowladda gaar ahaan wasaaradda cadaaladda ay u diraan qoraal ay ugu sheegayaan in shaqsi aan awoodin Abuukaate inuu qabsado uu jiro sidaana qareen xuquuqdiisa soo dhiciya loogu qabto.

Halkaan Hoose ka dhageysi Wareysi Gudoomiyaha oo dhinacyo badan taabanaya.

Goobjoog News