U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Oo ka warbixiyay shir uu Kaga Soo Qeybgalay Tanzania

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Cabdullaahi Caydiid Ilka-xanaf oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir uu kaga soo qeybgalay dalka Tanzania.

Shirkaan oo ayuu sheegay inay isugu yimaadeen guud ahaan gudoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dalalka Africa, loogana hadlay sida uu sheegay arrimo aad u muhiim ah.

Waxa uu sheegay in ay jirto maxkamad Africa leedahay oo xuquuql insaanka ah, islamarkaana waxyaabaha la’isla fahmay ay tahay in dadka la baro oo loo sheego in Africa ay leedahay maxkamaddaasi.

“Qof walba inta uu shirka socdo waa uu keeni karay ajande, maadaama aanay weli saxiixin annaga axdigaasi wey adkeed inaan sii diyaarinno wixii aan la tagi lahayn, inta badan waxaa meesha u dacwooda dadka dhibka loo geysto ee xuquuq darada ku dhacda, hadii qof tahay ama dad badan, maxkamadaan Africa ayaa leh dadka Soomaaliyeed wey ka dacwoon karaan, laakiinse annaga axdigaasi kuma aanay biirin oo ma saxiixin innagu” ayuu yiri gudoomiyaha.

Shirkaan ayaa soconayay sida gudoomiyaha uu sheegay 4 cisho, ayna ka qeybgaleen in ka badan 54 gudoomiye-yaal maxkamade sare.

Dhinaca kale Gudoomiye Ilka-xanaf ayaa sheegay inuu soo maray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo kaga soo qeybgalay tababar aad u muhiim ah oo ay qaadanayeen garsoorayaasha maxkamadaha dalka iyo ku xigeenada xeer ilaaliyayaasha.

“Nairobi ayaan markii dambe u imid, waxaan ka qeyb galay tababar aad u muhiim ahaa oo ay qaadanayeen garsoorayaasha maxkamadaheena iyo ku xigeenada xeer ilaaliyaasha aad ayuu usii muhiim ahaa, dadka reer Kenya iyo dad kale oo Ajnabi ah oo aqoon u leh dambiyada nadaamsan, tababarkaasi waan u furay, waana usoo xiray”

Goobjoog News