U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo La Ansixiyay

Sheeko:Dalka

Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay gudoomiyaha cusub Maxkamadda sare ee maamulkaasi Aadan Xaaji Cali Cabdi oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.

Kulanka ay yeesheen golaha wakiilada ee ay ku ansixinayeen mas’uulkaasi ayaa codka loo qaadayay qaab gacan taag ah, iyadoona la meel mariyay.

Sidoo kale golaha Guurtida Somaliland ayaa iyana meel mariyay gudoomiyahan, waxaana ay kula dardaarmeen in howsha loo magacaabay u qabto sidii loogu talagalay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilka gudoomiyaha maxkamadda sare waxaa loogu magacaabay Aadan Xaaji Cali Cabdi, iyadoona ugu dambeyn la aqbalay gudoomiyaha.

Goobjoog News