U bood dhigaalka

Gudoomiyaha PUNSA Faysal Axmed Warsame : Doorashada Qofka iyo Codka Waxay Heysataa Kalsoonida Dadka

Sheeko:Amniga

Dadka deggan Galmudug ayaa berri oo isniin ah u dareeraya doorasho qof iyo cod, iyada oo ay ku tartamayaan xibiyo siyaasi ah codadka saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

Ilaa 46,839 waa tirade guud ee dadka la diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671.

Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla  33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale.

Guddoomiyaha ururada bulshada ee PUNSA Faysal Axmed Warsame ayey Goobjoog News wax ka weydiisay kalsoonida lagu qabo doorashadan iney tahay mid hufan ayaa waxaa uu yiri “Bulshada rayidka, ururada siyaasadda iyo guud ahaan shacabka waxaa ka muuqato qanaaco, aad ayaan ugu faraxsanahay sida dowladda ay daacad uga tahay doorashada, kalsooni abuurka waxaa ka mid ah ganaaxa lagu riday ururka dowladda ee Kaah”.

Puntland waa maamulka keliya ee ku jira dowladda federaalka ah ee leh guddi doorasho, dadkiisa diiwaangeliyey isla markaana qabanaya doorasho qof iyo cod.

Goobjoog News