U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Raage Ceelle “Deegaanka malahan goobo caafimaad oo dadka ku filan” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Deegaanka Raaga Ceelle ee gobalka Shabeelaha Dhexe oo sheegay in ay yaryihiin adeegyada caafimaadka deegaankaasi

Maamulka deegaanka Raaga Ceelle ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in deegaankaasi aysan lahayn adeegyo caafimaad oo dadka isku haleyn karaan.

Gudoomiyaha deegaankaasi Yuusuf Maxamuud oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in maamulka gobalkaasi ay ku wargeliyeen xaaladahaan halkaasi ka taagan, laakiinse weli aysan jawaab helin.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ah, ayuu ugu baaqay in ay deegaankaasi lasoo gaaraan adeegyo caafimaad, waxaana uu rajo ka muujiyay in hay’ado samafal ay imaan doonaan.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay amaanka degaanka Raaga Ceelle ayuu sheegay in ay tahay mid aad u wanaagsan, isaga oo tilmaamay in ciidamada amniga ay xilli walba ka feejigan yihiin amni darro dhacda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News