U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Shabellaha Dhexe “Degmada Mahadaay Waxaa Ka Jirta Dhibaato Heer Qaran”

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha dhexe ayaa ku dhawaaqay in degmada Mahadaay ee gobalkaasi ay ka jirto dhibaato heer qaran, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ah usoo gurmadaan dadkaasi.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen oo kormeer ku tagay degmada Mahadaay ayaa sheegay in uu arkay xaalad adag oo ka jirta degmadaasi.

Waxa uu sheegay in degmadaasi ay ka kooban tahay Afar waax, islamarkaana Seddax ka mid ah ay la tageen biyaha, dadkuna aysan haysan meel ay ku noolaadaan.

“Degmada Mahadaay waxaa ka jirta dhibaato heer qaran ah, degmo ama maamul gobal waxba kama qaban karo xaaladda halkaasi ka jirta, dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ah waxaan leenahay wax u qabta dadkaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiye Guudlaawey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacabka ku dhibban degmada Mahadaay.

10-kii October ee sanadkaan 2015 waxaa degmada Mahadaay ka billawday roobab xooggan oo sababay in Wabiga uu soo fataho, islamarkaana dhibaato soo gaarsiiyo shacabka degmadaasi ku nool.

Goobjoog News