Guddoomiyaha Sh/Hoose “Farsamo Xumo Ayeey Ahayd Ka Bixitaankii AMISOM Ee Marka”

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka bixitaankii hore ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee magaalada Marka ay ahayd qaab farsamo xumo ah, islamarkaana markii hore aanu qorshaha ku jirin in magaaladaasi la banneeyo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in hadda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guud ahaan ku sugan yihiin magaalada Marka islamarkaana la xallliyay wax walba oo kallifay in magaaladaasi laga baxo.

“Kasoo bixitaankii Marka ee ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa ka dambeysay farsamo xumo oo Labada ciidan ah, waana nasiib darro, balse waxaan idiin sheegayaa in hadda la xalliyay wax walbo ciidankana ay ku wada sugan yihiin guud ahaan Marka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay wadaan baaritaanno ku aadan Miinooyinka maadaama magaaladaasi maalmo badan ay maamulayeen Xarakada Al-shabaab.

Shalay oo Isniin ahayd ayey ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dib ula wareegeen magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo kal horeba ay dagaal la’aan kula wareegeen, inkastoo soo laabashadoodii ay dagaal la kulmeen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW